Qeybtii 3aad ee taariikhdii Amiir khaddaab

Image

kadib markuu dhamaaday dagaalkii afgaanistaan

khaddaab ma uusan fariisan ee haddana wuxuu 

kaxaystay koox dhalinyaro ah wuxuuna u jihaystay

dhankaas iyo wadanka (daajakistan). halkaas oo dadka muslimiinta

ahi ay kula dagaalamayeen haraadigii ruushka markii uu

khaddaab aaday dalka daajakistaan sanadku wuxuu ahaa 1993dii.

wuxuuna halkaas ku sugnaa muddo laba sanno ah,wuxuuna dowladaa

ruushka kula dagaalamayey buuro aad u dhaadheer oo

baraf ah. khaddaab dagaalkaas wuxuu ku waayey laba farood

oo kuyaalay gacantiisa midig, wuxuuna dhaawacaas soo gaaray

mar ay ku fakatay bambada nooca gacanta laga tuuro……………..

……….. lasoco qeybta 3aaaaaaaad 

Sii akhri

Dowladda kumeelgaarka ayaa ugu baaqday dadkii ka qaxay ceelasha in dib ugu soo laabtaan

Markii ay dowladda iyo ciidamada Amisom weerarka ku qaadeen deegaanka ceelasha ayaa dadkii halkaas kunoolaa waxay uqaxeen gobolka shabeelada hoose halka kuwo kalena ay miciinbideen magaalada muqdisho .
dowladda kumeelgaarka ah ayaa kubaaqday in dib ay ugu soo laabtaan guryahooda .
ceelashana haatan ay tahay mid amaan ah .
Laakiin su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah ‘ceelasha ma amaan baa kajira”?! .
su’aashaas waxaa ka jawaabi kara dadkii tegay ceelasha markii ay dowladdu la wareegtay ka dib.
sidoo kale dowladdu iyadu xataa maku haystaa amaan ceelasha.?? su’aashaas oo ku haboon in la weydiyo dowladda. hadana waxaa kajawabi kara qofwalba oo caqli usaaxiib ah.
todobaad gudihiis ayaa lagu dilay ceelasha gudoomiyihii iyo waliba taliyihii ciidamada.
marka dowlad iyadu amaankeeda suganweyday ma sugi kartaa shacabka amaankooda???!…

Gudoomiyihii Ceelasha oo la dilay

Gudoomiyihii dowladdu u magacowday deegaanka ceelasha .
Max’ed faarax cabdi oo {qoor-gaab}kugacdheeraa ahaana gudoomiyihii ceelasha ayaa lagu rasaaseeyey mar uu marayey deegaanka ceelasha gaar ahaan halka loo yaqaan {quraca dhimbil} . rasaasta markii lagu furay kadib halkaas waxaa ku qurbaxay gudoomiye max’ed faarax.
sidoo kale waxaa halkaas ku geeriyooday saddex kamid ah ilaaladisa.
todobaadkan gudihiisa ayaa sidoo kale lagu dilay deegaanka ceelasha taliyihii ciidamada deegaankaas uqaabilsanaa dowladda kumeelgaarka ah oo lagu magacaabi jiray {Afrax cali afrax}.
Sidoo kale dowladda kumeelgaarka ayaa ugu baaqday dadkii ceelasha kaqaxay in ay dib ugu soo laabtaan .

Qeybtii2aad ee taariikhda Amiir khaddaab

1

Kadib markii khaddaab  uu gaaray  dalka

afgaanistaan sanadku markuu ahaa 1987 ayaa

waxaa uu galaygoob ciidamada lagu  tababaro

khaddaab markuu dhameystay tababarkii waxaa

Loo diray isaga iyo dhalinyaro kale howlgal weyna

ku guuleysteen. khaddaab intii uu joogay dalka

afgaanistaan aad ayuu ugu caanbaxay waxaana

lagu tilmaami kiray in uu yahaykahaalid binu waliid

oo kale xagga geesinimada iyo firfircoonimasa

dheeraadka ah.khaddaab wuxuu aad ula dagaalamay

ruushka intii uu joogay dalkaas wuxuuna ka qeybqaatay

furashadii JALAL-AABAAD , khuweysta iyo KAABUUL

sanadku markuu ahaa 1993. marar badan waxaa soo gaaray dhaawacyo badan laakin kuma uusran dhiman…

…………. lasoco QEYBTA 3aad .

Dr.mursii oo ku guuleystay doorashooyinka dalka Masar

Dalka masar maalmahan waxaa ka socday doorashooyin
loogu loolamayo xilka madaxtinimada dalkaas
doorashooyinka waxaa aad u loolamay intii ka
ka hartay dowladii hore, ikhwaanul muslimiiin
iyo waliba uruka salafiyiinta , aakhirkii dambe
waxaa isku soo hary Dr.mursii oo kamid ah
akhwaanka iyo axmed shafiiq oo ahaa ra’iisal
wasaarihii hore ee dowladii mubaarak
ugu dambeyntii waxaa laiclaamiyey in uu xilka dalkaas ku guuleystay Dr.mursii oo ka mid ah urur diimeedka ikhwaanul muslimiin , kadib markii la doortay dr.mursii
waxaa aad u soo dhaweeyey dowlado badan oo
carabta ka mid ah
 
ciidamada xarakada alshabaab oo dib ula wareegay deeganka ceelmacaan.

Deegaanka ceelmacaan oo kuyaalla duleedka muqdisho kana tirsan gobolka shabeellada dhexe. deegaanka Ceelmacaan ayaa waxaa hore gacanta ugu hayey xarakada alshabaab, Muddo dhow ayaa waxaa soo gaaray halkaas ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda kmg ah. Amiirka xarakada uqaabilsan Shabeelada dhexe Sh.yuusuf ciise kaba Kutukade ciidan uu hogaaminayo ayaa weerar xooggan kusoo qaaday deegaanka ceelmacaan. Dagaaldheer kadib waxaa xarakada u suura gashay in ay gacanta kudhigaan deegaanka ceelmacaan. Sh.yuusuf kaba- kutukade ayaa meelfagaara ah kala hadlay shacabka muslimiinta ee ku sugan deegaanka ceelmacaan.

Madaxweyne shariif sh.axmed oo dhaqaale weydiistay Ganacsatado soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda kumeelgaarka ah shariif sh.axmed ayaa wuxuu safar kutagay dalka kenya gaar ahaan magaalada Nairobi. Madaxweyne sharif ayaa kulan laqaatey dadweynaha soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaas. dadkii uu lakulmay waxaa kujirey ganacsatada soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii .madaxweynaha ayaa ganacsatada kala hadlay Arimo dhawr ah . sidoo kale madaxweyne shariif ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay bixiyaan lacag gaareysa 30milyan oo dollar. wuxuuna sheegay in lacagtaas ay dowladdu kushaqeyndoonto muddo 3bilood ah. . madaxweyne shariif ayaa sidoo kale ganacsatada u sheegay in uu yahay musharax utaagan xilka madaxtinimada .wuxuuna ku calaacalay in uu dalka waxbadan usooqabtay hadana hadii la doorto uu waxbadan qabandoono. ororodka shariif iyo safaradiisa badan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Mahiiga rabo in uu xilka ka qaado madaxweyne shariif. sidoo kale xubno badan oo kamid ah baarlamaanka ayaa tilmaamaya in shariif uu kuguuldareystay arimo badan sida sugidda amaanka muqdisho iyo meelaha ay hadda gaareen.sidoo kale waxey sheegeen in uu lunsaday lacago badan. dabaqyana uu ka dhistay dalka dibadiisa…………………………………

Qeybtii 1aad ee Taariikhda Amiir khaddaab

Image

Khaddaab  magaciisa oo saddexan waxaa loo yaqaanaa, (khattab bin thaamir bin saalax) . wuxuu dhashay sanadku markuu ahaa 1970 wuxuuna kudhashay magaalada “carcuur” ee dalka sucuudiga .
Khaddaab  wuxuu ka dhashay qoys reermiyi ah oo shaqadoodu tahay xoola-dhaqashada.khaddaab markuu yaraa waxaa lagu yaqaanay adadeyg geesinimo, iyo waliba kartidheeraad ah. Wuxuu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku qaatay dalka sucuudiga, wuxuuna aad u bartay ku hadalka afka ingriiska .
Kadib ayuu aaday dalka maraykanka si uu u dhameysto waxbarashadiisa sare. Khaddaab markuu in muddo ah joogay dalka maraykanka ayaa waxaa qarxay dagaalkii afgaanistaan. Dhalinyarada muslimiinta ayaa waxay bilaabeen in ay ku qulqulaan dalka afqaanistaan si ay shacabka muslimiinta ah uga dulqaadaan midowga soofiyeeti. Khaddaab wuxuu u safray dalka afqaanistaan sanadku markuu ahaa 1987 isagoo markaas ay da’diisu tahay 17sano jir……………. Lasoco qeybta 2aad.